Gerard Pique Oo Barcelona Ka Caawinaya Saxiixa Bernardo Silva, Qaab Noocee Ah.

Ka tagista Gerard Pique ee Barcelona ayaa kooxda ka caawinaysa in ay la soo saxiixdaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Bernardo Silva sida ay sheegayaan wararku.

Pique ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Barcelona iyada oo todobaadka dambe la kansali doono heshiiska uu kula jiro kooxda.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa go’aamiyay in uuna kooxda qaadan lacagta uga dhiman heshiiskiisa kooxda taas oo Barcelona ka caawinaysa saxiixa Silva.

Barcelona ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer Portugal xagaag laakiin kooxda ayaa lacag u wayday in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Sidaas darteed bixitaanka Pique ee Barcelona ayaa keenaysa in ay kooxdu lacagtiisa u adeegsato saxiixa xiddiga Bernardo Silva

1 Comment

Comments are closed.