Georginio Wijnaldum Oo Magacaabay 3-da Xiddig Ee Ugu Fiican Adduunka, Ayaa Soo Raaca Ronaldo Iyo Messi

Gini Wijnaldum ayaa la weydiiyay inuu magacaabo 3 ciyaaryahan oo uu u maleynayo inay yihiin kuwa ugu fiican adduunka kubadda cagta hadda, wuxuuna la yimid jawaab xiiso leh.

“Qof walba wuxuu dhahaa Messi iyo Ronaldo maxaa yeelay 15 -sano ayay ciyaarta maamulayeen, laacibka saddexaadna mar walba wuu ka duwan yahay,” ayuu u sheegay FIFA.

“Marka aad ka hadleyso ciyaartoyda adduunka ugu fiican, dadku waxay si toos ah u dhahaan qadka dhexe iyo weeraryahannada, laakiin sidoo kale waxaan heysanaa difaacyo waaweyn”.

“Virgil van Dijk ayaa halkaas jooga”.

“Qof walba fikradiisa ayuu ka qabaa”.

“Dadka qaar waxay rabaan inay arkaan daafac dhexe oo ku fiican kubbada, dadka qaar waxay doorbidaan daafac dhexe oo hogaamiye ah, kaas oo caawiya saaxiibadiisa kooxda, dadka qaar ayaa doorbida daafac dhexe oo si fiican u difaaca”.

“Virgil waxaas oo dhan wuu leeyahay, hubaal waxa uu la heer yahay kuwa ugu fiican”ayuu sii raaciyay

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*