Georginio Wijnaldum Oo Liverpool Ku War Galiyay Go’aankiisa Kama Dambaysta Ah.

Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu sii joogo Liverpool ilaa iyo inta heshiis cusub uu ka tarjumayo muhiimada uu u leeyahay kooxda.

30 jirkaan ayaa galay lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa kooxda heysata Premier League, waxaana uu xor u yahay inuu wadahadal la bilaabo kooxaha kale haddii uu doonayo inuu u dhaqaaqo meel kale.

Barcelona – oo uu maamulo tababarihii hore ee Netherlands Ronald Koeman – ayaa weli lala xiriirinayaa saxiixa xiddiga Wijnaldum kaas oo wali muhiim u ah kooxda Tababare Jurgen Klopp.

Haatan shabakada 90Min ayaa sheegaysa in uu Wijnaldum ku raaxeysanayo nolosha Merseyside isla markaana uu doonayo inuu sii dheereysto joogitaankiisa laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa dalbanaya heshiis muujinaya muhiimadiisa iyo daacadnimadiisa kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: Waa Maxay Sababta Ay Raggu Si Deg-deg Ah Ugu Seexdaan Kadib Kulanka Sariirta?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*