Georginio Wijnaldum Oo Kashifay Waxa Uu Thiago Alacantara Ku Soo Kordhinayo Liverpool.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Thiago Alcantara.

Thiago Ayaa kooxda Liverpool ku soo biiray suuqii xagaagan waxana uu kaga soo biiray kooxda Bayern Munich.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa kaliya Liverpool u ciyaaray 45 daqiiqo isaga oo badal ku soo galay kulankii Chelsea qaybtii dambe qaab ciyaareed cajiib ahna soo bandhigay.

Georginio Wijnaldum Oo la hadlaya Daily Mail ayaa yidhi”Thiago Alcantara wuu iga yaabiyay, waxa uu sanado ciyaarayay kubada cagta xitaa waxa aan kaga hor tagay champions League markii uu joogay Bayern Munich”.

“Waa xiddig leh kalsooni marka uu ku jiro garoonka waxana uu u ciyaaraa si lagu raaxaysanayo marka uu kubada haysto”.

“Waa xiddig cajiib ah waxana uu Liverpool ka dhigayaa koox fiican waliba ka fiican sidii ay markii hore ahayd”.

Sii Akhriso: Somaliland Oo War-Murtiyeed Ka Soo Saartay Doorashooyinka Golaha Baarlamaanka Matalaya Somaliland Ee Jooga Ee Somaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*