Georginio Wijnaldum Oo Ka Shalaynaya Ka Tagistii Liverpool

Waxa ay u muuqataa in xiddiga reer Holland ee Georginio Wijnaldum uu ka shalaynayo in uu ka tago kooxda Liverpool iyo ku biiristiisii kooxda PSG suuqii xagaaga.

Georginio Wijnaldum ayaa qaab xor ah uga tagay Liverpool kuna biiray kooxda PSG inkasta oo ay Reds doonaysay in ay sii haysato xiddiga xagaagii.

Georginio Wijnaldum oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma odhan karo waan ku faraxsanahay PSG, Sababta oo ah xaalku ma ahan midkii aan doonayay”.

“Laakiin kubada cagta ayaa sidaas ah waana in aan barto sidii aan ula macaamili lahaa”.

“Waxa aan ciyaaray kulamo badan markii aan Liverpool joogay waxana aan u ciyaaray si aad u fiican laakiin xaalku haatan wuu ka duwanyahay sidii hore”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*