Georginio Wijnaldum Oo Hal Arin Ka Codsaday Liverpool Kadib Heshiis Cusub Oo Miiska Loo Saaray Xiddiga.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo cusub u soo bandhigtay xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum sida uu sheegay saxafiga Fabrizio Romano.

Tababare Jurgen Klopp ayaa doonaya in uu sii haysto xiddiga khadka dhexe kaas oo galay bilihii ugu dambeeyay ee shiiskiisa kooxda Liverpool.

Saxafiga ayaa sheegay in ay kooxda Liverpool heshiis cusub u soo bandhigtay xiddiga Georginio Wijnaldum si uu ula sii joogo kooxda.

Laakiin xiddiga 30 jirka ah ayaa la sheegayaa in uu kooxda ka dalbaday in ay siiso wakhi uu ku go’aan kaga gaadho mustaqbalkiisa.

Xiddiga Georginio Wijnaldum ayaa la rumaysan yahay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Liverpool waxana uu doonayaa in uu wakhti ku qaato qaadashada go’aankiisa kama dambaysta ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*