Georginio Wijnaldum Oo Go’aansaday Wakhtiga Uu Isaga Caraabayo Liverpool.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa si Rasmi ah u go’aansaday in uu isaga tago kooxda Liverpool..

Georginio Wijnaldum ayaa ku jira bilhii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Liverpool ilaa haatana wax heshiis ah uma saxiixin kooxda.

Xiddiga reer Holland oo lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday in uu si xor ah uga tago kooxda Liverpool marka uu dhamaado heshiiskiisa Anfield.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Georginio Wijnaldum dhamaysan doono heshiiskiisa oo uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*