Georginio Wijnaldum Iska Diiday Heshiiskii Cubaa Ee Ay Liverpool U Soo Bandhigtay.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa dhirbaaxo ku dhuftay kooxdiisa kadib markii uu iska diiday heshiiskii cusbaa ee ay u soo bandhigtay.

Heshiiska Georginio Wijnaldum ayaa dhici doona 6 bil kadib waxana uu xor u yahay in uu wadahadalo la qaato kooxaha kale ee doonaya.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Georginio Wijnaldum iska diiday heshiiskii cusbaa ee ay Liverpool u soo bandhigtay xiddiga si uu u sii joogo kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in heshiiska cusub ee ay Liverpool u soo bandhigtay in uuna ahayn mid u qalma muhiimadiisa kooxda.

Go’aanka xiddiga ayaa imanaya xilli uu xiiso ka helayo kooxo ay ka mid yihiin Chelsea, Man City, Inter Milan iyo Barcelona kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*