Gatti: Mar Walba Oo Uuna Lionel Messi U Ciyaarin Barcelona Way Badiyaan Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Halyeeyga reer Argentine ee Hugo Orlando Gatti ayaa mar walba si adag u weeraray xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi mana ahn mid la yaab leh in uu si deg-deg ah uga hadlay guulaha kooxda Barcelona marka uu Lionel Messi ka maqan yahay shaxda kooxda.

Hugo Orlando Gatti ayaa sheegay in ay Barcelona la soo baxdo awood cusub mar walba oo uu Lionel Messi ka maqan yahay kana caawisa in ay guulo gaadhaan.

Messi ayaa ka maqnaa kooxda Barcelona kulankii 2/0 ahaa ee ay horyaalka La Liga kaga gaadheen kooxda Elche kadib markii kaadhka cas loo taagay kulankii Supercopa de Espana.

“Mar walba oo uuna Lionel Messi ciyaarin Barcelona ayaa gaadha guulo sababta oo ah waxa ay la soo baxaan awood cusub”ayuu Gatti u sheegay El Chiringuito.

“Kubada cagtu waa guul hadii aad si fiican u ciyaartana ka fiican”.

“Mar walba oo uuna Lionel Messi ciyaarin Barcelona ayaa badisa”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Kalmado Calaacal Ah Oo Qalbiga Ku Xanuujinaya.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*