Gary Neville Oo Ugu Dambayn Ka Hadlay Ku Guulaysigii Liverpool Ee Horyaalka Premier League.

Gary Neville ayaa ugu dambayn Afka furtay kana hadlay ku guulaysiga Liverpool ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa 23 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka markii loo caleemo saaray ku guulaysiga horyaalka todobaadkii hore kadib guushii Chelsea ee Man City.

Gary Neville ayaa dhuubtay kadib markii ay Liverpool ku guulaystay horyaalka premier Legaue kadib xilli ciyaareedkoodii cajiibka ahaa ee xilli ciyaareedkan.

Isaga oo ka hadalaya ku guulaysiga Liverpool ee horyaalka ayaa yidhi”Eeg, waxa ay ahayd guul cajiib ah si ay ugu guulaystaan horyaalka”.

“Waxa ay sugayeen muddo sanado ah laakiin Jurgen Klopp ayaa qabtay shaqo cajiib ah”.

Advertisements

“Markii uu Klopp kooxda yimid ka filayn in uu Liverpool ku hogaamiyo horyaalka sabab la xidhiidha awooda lacageed ee Man United, City iyo Chelsea”.

“Laakiin xiddig 30 milyan ah ayuu u badalay 130 milyan halka uu xiddiga 75 milyan ku fadhiya kor ugu qaaday 150 milyan o euro”.

“Waxa ay ahayd maalin aanan doonayn in aan arko laakiin waa in aan u hambalyeeyo”.

Sii Akhriso: Qaar Ka Mid Ah Wasiiro, Xildhibaano & Masuuliyiin Kale Oo Ka Tirsan Oo Loo Diiday In Ay Ka Qayb Galaan Xafladii Dabaal Daga 1 Luulyo Ee Ka Socotay Madaxtooyada Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*