Gary Neville Oo Solskjaer U Qabtay Wakhti Uu Ku Helo Wado Uu Isku Fahamsiiyo Paul Pogba & Bruno Fernandes

Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer u sheegay in uu tababaruhu haysto ilaa ciida gaalada si uu uga shaqaysiiyo iskuna fahamsiiyo xiddigaha khadka dhexe ee Bruno Fernandes & Paul Pogba.

Labada xiddig ayaa ku dhibaatooday in ay isla qabsadaan tan ilaa markii uu Fernandes ku soo biiray kooxda suuqii January.

Taageerayaasha ayaa aaminsan in ay labada ee Pogba & Fernandes xiddig yihiin kuwo tayo leh waliba jooga Old Trafford laakiin waxa y ka niyad jabsanyihiin in ayna iska garab ciyaari karin.

Neville ayaana sheegay in uu Solskjaer haysto ilaa ciida gaalada si uu labada xiddig ka dhigo kuwo iska garab ciyaari karo.

“Pogba waxa uu Fernandes garab joogay 8 bilood 3 biloodna waxa lagu jiray Bandoo”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

“Labada xiddig waxa ay wada qaateen isku diyaarin aad u yar, kadib Pogba ayaa xanuunka Korona laga helay sidaas darteed wakhti badan iskama garab ciyaarin”.

“Ilama ahan in ay haatan wada ciyaari karaan laakiin hadii ayna wakhtiga ciida gaalada waa in ay isla qabsadaan oo ay iska garab ciyaari karaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*