Gary Neville Oo Solskjaer Talo Ka Siiyay Saxiixa Jadon Sancho.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer u sheegay in aan Borussia Dortmund lagu qasbi karin in ay iska iibiso xiddiga Jadon Sancho.

Red Devils ayaa la sheegayaa in ayna diyaar u ahayn in ay bixiso wax ka badan 50 milyan oo euro waana kala badh lacagta ay Dortmund doonayso in ay ku iibiso xiddiga reer England ee qaab ciyaareedka cajiibka ah soo bandhigay.

Chelsea iyo Liverpool ayaa hore xiiso ugu muujiyay saxiixa xiddiga 20 jirka ah halyeeygooda garabka midig ee Man United ayaa sheegay hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga in ay muujiyaan hami.

“Waxan u malaynayaa in ay tahay in ay bixiyaan lacag ka badan 50 Milyan oo euro, waxa jira kooxo u malaynaya in ay kooxuhu aad lacag ugu baahanyihiin waliba ku qasbanyihiin in ay iibiyaan xiddigohooda waliba ku iibiyaan lacag jaban laakiin uma malaynayo in ay Dortmund ka mid tahay kooxaha lacagta jaban ku iibiya xiddigaha” ayuu Neville u sheegay Sky Sports.

Jadon Sancho ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 17 gool 17 kalena caawiye ka noqday 32 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*