Gary Neville Oo Sharaxayaa Sababta Ayna Liverpool Sidii Man United Awood Ugu Haysan Doonin Premier League.

Liverpool ayaan awood u yeelan doonin in ay Premeir League awood ku haysato sanado badan sidii Man United sababta oo ah ma haystaan awooda ay lacag badan ku galin karaan suuqa sida kooxaha kale ee waaweyn.

Taasi waa aragtida daafacii hore ee United Gary Neville, kaasoo sheegay inuusan ka walwalayn sii socoshada guulaha Liverpool.

Kooxda Juren Klopp ayaa ku guulaystay horyaalka waliba si fudud xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen.

Reds ayaa 25 dhibcood ka horaysay kooxda kaalinta 2-aad ee Man City markii kubada la joojiyay sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Liverpool ayaa markii ugu horaysay muddo 30 sano ah ku guulaystay horyaalka waana arinta ka dhigtay mid aad u fiican xilli ciyaareedkooda.

Ciyaartoyda sida Roberto Firmino, Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Andrew Robertson ayaa dhamaantood ku yimid qiimo aad u yar marka loo eego suuqa maanta ee waalida ah.

Laakiin Neville ayaa qaba in ay arintaas Reds ka hor istaagi doonto in ay awood ku maamusho kubada cagta England sanadaha soo socda.

Waxa uu qbaa in ay mar walba ku adkaan doonto in ay ka sare marto kooxaha City, Chelsea, iyo United sabab la xidhiidha in ay ka dhaqaale badanyihiin.

“Maya, kama walaacsan” ayuu Neville u sheegay Sky Sports markii in ay Liverpool awood ku haysan doonto England.

“Waxa aniga iga welwel gelin lahaa Muddo dheer hadii Liverpool ay iibsadaan milkiilayaal lacag badan leh kuwaas oo kooxda u maal galin kara sida heerka Man City, Manchester United”.

“Suuqa Liverpool waa mid aad u xun marka loo bar-bar dhigo kooxaha kale”.

“Milkiilayaashooda kaliya maheystaan ​​lacagta Manchester City, ama awooda qarash gareynta Manchester United ama Chelsea”.

“Kaliya ma haystaan awood dhaqeele waana arinta shaqada Jurgen Klopp ka sii dhigaysa mid aad u weyn”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*