Gary Neville Oo Sharaxay Sababta Uu Solskjaer Ugu Bilaabo Shaxdiisa Fred & McTominay

Daaficii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta Ole Gunnar Solskjaer uu u doorbido in uu khadka dhexe uga ciyaarsiiyo xiddigaha Fred iyo Scott McTominay kaydkana u dhigo xiddigaha Paul Pogba iyo Donny van de Beek.

Kulankii Chelsea Solskjaer ayaa ku soo galay isla shaxdii kulankii Newcastle isaga oo khadka dhexe kulankii 3-aad oo xidhiidh ah ku wada bilaabay xiddigaha Fred iyo Scott McTominay.

Pogba ayaan ku bilaaban shaxda Man United tan ilaa kulankii ay Man United guuldarada 6/1 ah kala kulantay Tottenham bilowgii bishan halka uuna saxiixa cusub ee Van de Beek wali ku bilaaban shaxda United kulan premier League ah.

Neville ayaana sheegay in sababta oo Solskjaer shaxdiisa ugu bilaabayo xiddigaha Fred Iyo McTominay Tahay in ay qaab ciyaareed fiican ka soo saarayaan xiddiga Bruno Fernandes.

Isagoo ka hadlayay Sky Sport ka hor kulanka Chelsea, Neville ayaa yiri” saddexda khadka dhexe, waxan u malaynayaa in ay 3-da xiddig ee khadka dhexe yihiin kuwa uu ugu jecelyahay”.

“Waxaan u maleynayaa in Fred iyo McTominay ay umuuqdaan inay soo bandhigayaan qaab ciyaareed fiican ama ay qaab ciyaareed fiican ka soo saarayaan Fernanades”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*