Gary Neville Oo Saadaaliyay Halka Ay Arsenal & Tottenham Kaga Dhamaysan Doonaan Premier League Kadib Guushii Spurs.

Gary Neville ayaa Tottenham u saadaaliyay in ay Arsenal ku garaaci doonto kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedka dambe kadib guushii North London Derby.

Tottenham ayaa khamiistii 3/0 ku garaacay kooxda Arsenal iyaga oo haatan hal dhibic ka dambeeya kooxda Gunners tartanka loogu jiro kaalinta 4-aad ee champions League.

Xilli ay laba kulan ka dhimantahay dhamaadka xili ciyaareedka premier League Neville ayaa sheegay in ay Tottenham ku dhamaysan doonto kaalinta loogu soo boxo champions league.

“Aniga ayaan Tottenham ayaa ku dhamaysan doonta kaalinta 4-aad marka loo eego kulamada uga dhiman labada kooxood, Waxan u malaynayaa in ay Tottenham ka badin doonto Burnley iyo Norwich”

“Laakiin Arsenal way ku dhibaatoon doontaa kulamada Newcastle United iyo Everton”ayuu Neville sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*