Gary Neville Oo Magacaabay Xulka Uu Doonayo In Uu England Ku Aado Wareega 16-ka Euro 2020, Germany, France Mise…?

Halyeeyga reer England ee Gary Neville ayaa doortay xulka uu doonayo in uu England ku aado wareega 16-ka tartanka Euro 2020 kadib markii uu iska xaadiriyay wareegaas.

Xulka England ayaa guul ku soo xidhay wareega Group-yada tartanka Euro 2020 iyaga oo ka badiyay xulka Czech Republic kuna soo baxay kaalinta 1-aad ee Group-kooda.

Xulka England ayaa caawa ogaan doona xulka ay la ciyaari doonaan wareega 16-ka tartanka Euro 2020 iyaga oo ku aadi doona xulka kaalinta 2-aad kaga soo baxay Group-ka F ee ay ku jiraan xulalka France, Portugal, Germany iyo Hungary.

Ilaa haatan ma cada xulka ku soo bixi doona booska 2-aad laakiin Gary Neville ayaa haatana sii magacaabay xulka uu doonayo in uu England ku aado wareega 16-ka tartanka euro 2020.

Gary Neville ayaa la waydiiyay xulka uu doorbidayo in uu ku aado England wareega 16-ka waxana uu ku jawaabay”Xulka Hungary, laakiin uma malaynayo in ay suurtagal tahay”.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*