Gary Neville Oo Magacaabay Xiddiga Ay Rajada Ku Guulaysiga Man United Ee Horyaalka Premier League Ku Xidhantahay?

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa rumaysan in ay Man United haysato fursad yar oo ay ugu guulaysan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Laakiin Gary Neville ayaa sheegay in rajadaas ku xidhantahay xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

Red Devils ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League kadib bar-barihii gool la’aanta ahaa ee ay la galeen kooxda Liverpool Axada.

Natiijadaas ayaa ahayd mid u fiican kooxda Man United iyaga oo wali sii haysata booskooda kaalinta 1-aad ee horyaalka premier League.

Neville ayaana aaminsan in ay kooxda Man United haysato xiddig kooxda Man United ka caawin kara ku guulaysiga horyaalka waliba xiddigaas yahay Paul Pogba.

“Waxan u malaynayaa in ay yartahay fursadaha ay Man United ugu guulaysan karto horyaalka walina waxa ka horeeya kooxaha Man City iyo Liverpool”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

“Laakiin Fursadahaas yar ee Man United ee ku guulaysiga horyaalka ayaa ku xidhan xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo soo bandhiga qaab ciyaareed fiicna 3-da bilood ee soo socda”ayuu yidhi

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Mar Walba Samee 5-tan Arin Hadii Aad Doonayso In Uu Gacaliyahaagu Indhihiisa Kaa Jeclaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*