Gary Neville Oo Magacaabay Sababta Ay Man United Ugu Guulaysan Doonin Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Gary Neville ayaa rumaysan inay jirto rajo yar oo ah in Manchester United ay ku guulaysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan maadaama aysan ‘koox ahaan u ciyaarin si ku filan’ marka loo eego kooxaha kale ee ku loolamaya hogaanka horyaalka.

Kadib markii ay si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka Red Devils ayaa laga badiyay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan iyaga oo guuldaro kala kulmay Aston Villa Sabtidii.

Manchester United ayaa hal dhibic oo kaliya ka hoosaysa hogaamiyayaasha Horyaalka ee Liverpool, laakiin Neville ayaa dareensan inaysan awoodi doonin inay ku guuleystaan ​​horyaalka xilli ciyaareedkan sababtuna tahay isku duubnaan la’aanta koox ahaan oo ay sabab u tahay saxiixyadii waaweynaa ee yimid kooxda suqii xagaaga.

“Waxaan dhahay xitaa markii ay guuleysanayeen, xitaa marka [Cristiano] Ronaldo uu gool dhaliyo, si fiican uma ciyaaraan koox ahaan si ay ugu guuleystaan ​​horyaalkan aragtidayda. Si fiican uguma ciyaaraan koox ahaan”.Neville ayaa ku yiri podcast -ka Sky Sports

“Waxaan u malaynayaa inay tahay inaad ahaato koox isku xidhan waliba si wada jir ah u dagaalanta”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Waxa aad u baahantahay isku xidhnaan in aad u ciyaarto, marka la eego haatan kooxdu ma haysato arintaas marka loo eego saxiixyadii cusbaa ee kooxda yimid ee Cristiano Ronaldo, Raphael Varane & Jadon Sancho kuwaas oo ka yimid kooxo u ciyaara qaab ciyaareed ka duwan midka Man United”.

Sii Akhriso: Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*