Gary Neville Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Ugu Muhiimsan Kooxda Man United.

Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa sheegay in ay labada xiddig ee Bruno Fernandes iyo Harry Maguire yihiin labada xiddig ee ugu muhiimsan kooxda Man United.

Xiddiga reer Portugal ayaa noqday xiddiga ugu fiican ee kooxda Man United tan ilaa markii uu United kaga soo biiray kooxda Sporting Lisbon.

Xiddiga Harry Maguire ayaa dhankiisa noqday xiddigaha ugu fiican kooxda tan ilaa markii uu kooxda kaga soo biiray Leicester City.

Fernandes iyo Maguire ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ee kulankii Carbao cup-ka ee ay Unuted ka badisay Everton Neville ayaana rumaysan in ay labada xiddig yihiin kuwa ugu muhiisan waliba ayna kooxdu hal daqiiqo ka maarmi karin.

“Waa labada xiddig ee ayna kooxdu ka maarmi karin sida aan filayo’ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

“Fernandes waa xiddig aan booskiisa la buuxin karin isaga la’aantiis ma ahan koox fiican”.

“Maguire waxan u malaynayaa in ay kooxdu u xiisayso hadii uu ka maqnaado”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*