Gary Neville Oo Magacaabay 3 Xiddig Oo Man United Oo Uu Cristaino Ronaldo Dhibaato Ku Keenay

Gary Neville ayaa sheegay in soo laabashada Cristiano Ronaldo ee Man United ay dhibaato ku keentay xiddigaha Harry Maguire, Bruno Fernandes & Edinson Cavani xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa soo qaadatay xilli ciyaareedkeedii ugu xumaa premier League iyaga oo aan ka qayb gali doonin champions league xilli ciyaareedka dambe.

Ronaldo ayaa dhanka kale ku dhamaystay xilli ciyaareedka 24 gool tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 18 gool laakiin waxa jira warar sheegaya in uu xiddiga reer Portugal isaga tagi doono United xagaaa.

Neville ayaa ruaysan in soo laabashada Ronaldo ay dhibaato ku abuurtay xiddigaha Cavani, Maguire iyo Bruno Fernandes.

“Waxan u malaynayaa bilowgii xilli ciyaareedka Ronaldo waxa uu isla markiiba dhibaato ku abuuray Cavani”ayuu Neville yidhi.

“Cavani waxa uu filayay in uu hogaamiyo weerarka kooxda laakiin markii uu Ronaldo yimid way u dhamaatay Cavani kadib waxa ay soo laabashadiisu khal-khalisay socodkii kooxda ee Bruno”.

“Waxan u malaynayaa Bruno waxa uu ahaa xiddiga lagu daydo qolka Labiska laakiin soo laabashada Ronaldo ayaa keentay in uu ka dambeeyo xiddiga ay isku dalka yihiin”.

“Dhanka kale Maguire ayaa wax walba u samaynayay in uu noqdo hogaamiyaha kooxda laakiin imaatinka Ronaldo ayaa keentay in uu noqdo hogaamiyaha kooxda”ayuu sii raaciyay.