Gary Neville Oo Liverpool Iyo Man City U Sheegay In Ay U Dhaqaaqaan Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

Gary Neville ayaa ku booriyay kooxaha ugu sareeya Premier League inay ka fiirsadaan saxiixa Christian Eriksen.

Halyeyga Manchester United ayaa aaminsan in Manchester City ama Liverpool ay ku haboon tahay in ay qaab xor ah ugu dhaqaaqaan xiddiga.

Eriksen ayaa ku soo laabtay premier League kadib markii uu qaab amaah ah ugu biiray suuqii January waxana uu dhaliyay hal gool iyo 4 caawin isaga oo ciyaaray 11 kulan oo premier League.

Neville ayaa sheegay in uu rumaysanyahay in uu xiddigii hore ee Tottenham saxiix fiican u noqon doono kooxaha Liverpool iyo Man City kuwaas oo u baahan xiddig leh tayadiisa oo kale.

“Waxa aan u malaynayaa in uu Eriksen u ciyaari karo koox weyn, waxa uu u ciyaari karaa Man City iyo Liverpool sidoo kale koox kasta oo ka mid ah 6-da kooxood ee ugu saraysa”.

“Anigu ma lihi waxa uu ku bilaaban karaa maalin kasta laakiin marka aad eegto tayadiisa waxa uu u ciyaari karaa Liverpool ama Man City”ayuu sii raaciyay.