Gary Neville Oo Doortay Shaxda Ugu Fiican Ee Xiddigaha Ajnabiga Ahaa Ee U Soo Ciyaaray Man United.

Gary Neville ayaa magacaabay shaxdiisa Abdi ugu fiican ee Man United ee xiddigaha Ajnabiga ahaa iyada oo uu xiddiga Bruno Fernandes ka soo muuqday shaxda kaliya 9 bilood oo uu joogay kooxda kadib markii uu kaga soo biiiray kooxda Sporting Lisbon.

Fernandes Ayaa saamayn xoogan ku yeeshay kooxda Man United tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Suuqii January isaga oo dhaliyay 16 gool 11 kalena caawiye ka noqday 28 kulan.

Xiddiga reer Portugal ayaa noqday xiddig laf dhabar u ah kooxda Man United Neville ayaana rumaysan in uu haatanba ka mid yahay xiddigaha ugu fiican ee taariikhda kooxda.

Markii la weydiiyay inuu soo xusho Shaxda ugu fiican ee aanay ku jirin xiddigaha England, Wales, Scotland iyo dalalka UK la isugu yeedho daafacaii hore ee United ayaa khadka dhexe u doortay Fernandes Iyo Juan-Sebastian Veron.

Neville ayaa goolka u doortay Goolhaye Peter Schmeichel Halka uu 4-ta daafaca u doortay Rafael, Jaap Stam, Nemanja Vidic Iyo Patrice Evra.

Garabka weerarka  waxa uu u doortay Cristiano Ronaldo, Tevez iyo Cantona Ruud kuwaas oo wada hogaaminaya weerarka shaxda Neville.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Baarlamaanka Somaliya Oo Ansixiyay Xukuumadii Uu Soo Dhisay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*