Gary Neville Oo Daafac Arsenal U Ciyaara Bar-Bar Dhigay Rio Ferdinand Kadib Guushii Crystal Palace.

Daafaca Arsenal ee William Saliba ayaa kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray Arsenal kulankii ay Gunners 2/0 ku garaacday kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Daafaca da’yarka ah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ku guulaystay xiddiga ugu fiican kulanka kadib markii uu si cajiib ah u ciyaaray.

Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga da’yarka ah isaga oo xitaa bar-bar dhigay Halyeeyga reer England iyo Man United ee Rio Ferdinand.

Neville oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa ugu muhiimsan xiddigaha da’yarka ah ayaa ah in ay ciyaaraan kubada cagta, Saliba waxa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, waxa uu i xasuusay Rio Ferdinand jidhkiisuna wuu sii fiicnaan doonaa”.

“Crystal Palace waa koox adag mar walba waxa ay ku saarayaan awoodooda laakiin Saliba waxa uu qabtay shaqo fiican, ilaalinta shabaqiisu waxa ay ka caawinaysa in uu kalsooni helo”.

“Qaybtii dambe Arsenal ma ahayn koox fiican laakiin Saliba ayaa muujiyay in uu hogaamin karo daafaca”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*