Gary Neville & Jamie Carragher Oo Magacaabay Shaxdooda Ugu Fiican Premier League Sanadka 2020.

Halyeeyada kooxaha Man United iyo Liverpool Gary Neville & Jamie Carragher ayaa soo xushay shaxdooda ugu fiican horyaalka premier League sanadka 2020 iyaga oo ku soo daray xiddigo kooxaha Liverpool, Man United iyo Tottenham.

Labada Halyeey ayaa ka wada shaqeeyay doorashada shaxdooda ugu fiican Premier League iyaga oo sidoo kale xiddigo ka soo doortay kooxaha Wolves iyo Man City.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig oo ay doorteen Halyeeyada Gary Neville & Jamie Carragher.

Afar ka mid ah xiddigaha Liverpool ee shaxda ayaa ka mid ahaa daafaca dambe iyo Goolhayaha kuwaas oo kala ah Alisson, Andy Robertson, Van Dijk iyo Alexander-Arnold.

Jordan Henderson ayaa sidoo kale ka mid ahaa khadka dhexe halka xiddiga Mohamed Salah ku jiray weerarka shaxda Gary Neville & Jamie Carragher.

Xiddigaha Khadka dhexe ee kooxaha Man City iyo Man United ee De Bruyne iyo Fernandes ayaa shaxda ku jira halka xiddigaha weerarka uga ciyaara Tottenham ee Kane iyo Son weerarka ku jiraan.

Jamie Carragher and Gary Neville name their Premier League team of 2020 - Pundit Arena

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 4 Khalad Oo Uu Ninku Ka Galo Xaaskiisa Kulanka Sariirta, Iska Ilaali Ninow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*