Gary Neville & Jamie Carragher Oo Doortay Shaxdooda Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka Premier League

Khabiirada Sky Sport ee Jamie Carragher & Gary Neville ayaa soo saaray shaxdooda ugu fiican xilli ciyaareedka premier League iyada oo la galay kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Horyaalka premier League ayaa todobaadka dambe la ciyaari doonaa kulankii ugu dambeeyay xilli ciyaareedka iyada oo la soo afjari doono xilli ciyaareed cajiib ahaa.

Sidii caadada ahayd horyaalka premier League ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo ay jiraan xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Jamie Carragher & Gary Neville ayaa soo saaray shaxdooda ugu fiican horyaalka premier League iyaga oo qiimaynaya xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Jamie Carragher ayaa shaxdiisa ka soo qaatay sidoo kale 4-ta kooxood ee Tottenham, Liverpool iyo Man City Iyo West Ham isaga oo 5 xiddig ka soo qaatay Liverpool halka uu 3 xiddig ka soo qaatay Man City isaga oo 2 xiddig ka soo qaatay Tottenham iyo hal xiddig oo West Ham ah.

Gary Neville ayaa shaxdiisa ku soo koobay kaliya 3 kooxood kuwaas oo kala ah Liverpool, Tottenham iyo Man City isaga oo Liverpool ka soo qaatay 4 xiddig halka uu 5 xiddig ka soo qaatay Man City sidoo kale 2 xiddig ka soo qaatay kooxda Tottenham.