Gary Neville: Halkan Arin Ayaa Sabab U Ahayd Shaqo Ka Caydhintii Frank Lampard.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa sheegay in filashada wax weyn laga filanayay sabab u ahayd shaqo ka caydhintii Frank Lampard ee kooxda chelsea.

Isniintii ayay chelsea shaqada ka caydhisay tababare Frank Lampard kadib markii ay kooxdu natiijooyin xun keentay kulamadii ugu dambeeyay ee premier League.

Saxiixyada Waaweyn ee Kai Havertz iyo Timo Werner ayaa sidoo kale door weyn ka qaatay shaqo ka caydhinta tababare Frank Lampard

Gary Neville oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi”Anigu aad ulama yaabin in shaqada laga caydho sababta oo ah todobaadkan oo dhan waxa jiray warar xan ah oo so baxaya xilli uu cadaadis weyn fuulay Lampard”ayuu Gary Neville yidhi

“Marka ay taasi dhacdo way iska cadahaya in uu wakhtigaagu soo dhawyahay laakiin waxa aan la yaabay in aan tababaraha wakhti dheer la siin”.

“Waxa uu qabtay shaqo fiican xilli ciyaareedkii hore laakiin xilli ciyaareedkan waxa laga filayay wax weyn taas ayaana sabab u noqotay in shaqada laga caydhiyo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*