Gary Naville Oo Su’aal Ka Keenay Saxiixa Donny van de Beek Kadib Markii Uu Seegay Kulankii Chelsea.

Gary Neville ayaa su’aal galiyay go’aankii Manchester United ay kula soo saxiixatay Donny van de Beek ka dib markii uusan ka qeyb qaadan kulankii ay barbaraha 0-0 la galeen Chelsea ee Premier League.

Man United ayaa Van de Beek 40 milyan kula soo saxiixatay suuqii xagaaga iyaga oo kala soo wareegay kooxda Ajax laakiin aan kulamo badan u ciyaarin kooxda.

Xiddiga khadka dhexe ayaan wali ku bilaaban wax kulan ah premier League tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda isaga oo kulankii ugu dambeeyay seegay kulankii ay United bar-baraha la gashay Chelsea.

Neville oo kadib kulankii Chelsea arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Uma muuqdo inuu safka hore kaga jiro qorshayaasha Ole Gunnar Solskjaer kulan kasta”.

“Waa arin la yaab leh”.

“Mar walba oo uuna ku bilaaban ciyaaraha ama mar walba oo uuna xitaa badal ku soo galin waxa aad ka fikiraysaa “Hagaaga, waa xiddig 40 milyan ku fadhiya sida caadiga ah waxa aad ku bilaabi lahayd shaxda”.

“Waxa laga yaabaa in uu xiddigu xitaa ka fikirayo “Maxaad ka qabanaysaa halkan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*