Gary Lineker OO Farta Ku Fiiqay Sababta Ugu Weyn Ee Arsenal Ka Hor Istaagi Karta Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareerdkan

Weeraryahankii hore ee xulka England, Gary Lineker, ayaa sheegay in Arsenal aysan ku guuleysan karin horyaalka Premier League haddii weeraryahankooda dhexe ee ugu weyn, Viktor Gyökeres, uusan dhalin goolal.

Wuxuu sheegay in xiddiga xulka Sweden uu bilaabo dhalinta goolasha haddii kooxda Mikel Arteta ay rabto inay rumayso riyooyinkeeda ee ku guuleysiga Premier League.

Arsenal ayaa saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ku dhammaysatay kaalinta labaad, balse haatan waxay saddex dhibcood ku hogaamiyasaa  horyaalka.

Kooxda Arsenal ayaa Sabtidii ku garaacday Fulham 1-0 garoonkooda.

Manchester City oo ku jirta kaalinta labaad ayaa 2-0 kaga badisay Brentford, halka Liverpool ay guuldarro ka soo gaartay Manchester United taasoo keentay inay hoos ugu dhacdo kaalinta afraad.

Arsenal ayaa haatan noqotay kooxda ay saadaaliyayaasha u arkaan inay ugu cadcadahay ku guuleysiga Premier League markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2004.

Si kastaba ha ahaatee, Lineker ayaa aaminsan in rajada Arsenal ee hanashada horyaalka ay ku xirnaan karto haddii Viktor Gyökeres uu dib u helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Gyökeres ayaa Arsenal uga soo biiray kooxda Sportiga Lisbon waxana uu ugu Soo biiray lacag dhan 64 milyan oo euro.

Weeraryahankii hore ee xulka England, Gary Lineker, ayaa barnaamijka The Rest is Football podcast ku yiri:

“Viktor Gyökeres wuxuu ku jiraa waqti adag oo uusan si fiican u ciyaarayn.”

Wuxuu haatan toddobo kulan oo tartamada oo dhan ah u saftay Arsenal isagoo aan weli wax gool ah dhalin.

“Waxaan u maleynayaa in si Arsenal ay u rumayso himilooyinkeeda dhabta ah, uu khasab ku tahay Viktor Gyökeres inuu bilaabo dhalinta goolal badan. Waxaan aaminsanahay in kulamada soo socda ay yihiin kuwo aad muhiim ugu ah isaga,” ayuu yiri Lineker.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga