Garsoore Horay Uga Soo Shaqeeyay La Liga Oo Kashifay Sir Ku Saabsan Sida Ay Garsoorayaasha U Kala Taageeraan Real Madrid & Barcelona.

Garsoorihii hore ee Reer Spain Eduardo Iturralde Gonzalez ayaa sheegay in 9 ka mid ah garsoorayaasha Spain taageero u yihiin kooxda Real Madrid.

Eduardo Iturralde Gonzalez oo sheegay in uu isagu taageero u yahay kooxda Athletic Bilabo ayaa sheegay in 10% garoorayaasha Spain taageeraan kooxda Barcelona.

“Hadii ay Barcelona jeceshahay iyo hadii kaleba 70% Bulshada Spain xitaa marka laga Reebo Catalonia Waxa ay taageeraan Real Madrid”ayuu u sheegay El Larguero.

“Wakhtigii ugu dambeeyay waxa jira dad Barcelona u taageera sababta oo ah dad da’yarta ah waxa ay arkeen koobabkii Barcelona ku guulaystay markii uu Pep Guardiola hogaaminayay”.

“Laakiin ka hor Casriga Lionel Messi dad badan ayaa taageeri jiray Real Madrid”.

Advertisements

Waxa la waydiiyay kooxda ay garsoorayaashu mar walba doorbidaan Real Madrid mise Barcelona waxana uu yidhi”90% waxa ay doorbidaan Real Madrid, halka ay 10% doorbidaan Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*