Gareth Southgate Oo Ka Warbixiyay Xaalada Phil Foden Kadib Markii Uu Seegay Tababarka Ka Hor Final-ka Euro 2020.

Gareth Southgate ayaa xaqiijiyay in Phil Foden uu shaki ku jiro inuu ciyaari karo kulanka finalka Euro 2020 ee uu xulka England la ciyaari doono xulka Italy.

Xiddiga khadka dhexe ayuu dhaawac yar soo gaadhay waxana uu awoodi waayay in uu tababar la qaato xiddigaha xulka England Subaxnimadii sabtidii.

Xulka Saddexda Libaax ayaa hal guul u jira ku guulaysiga Euro 2020 iyaga oo u baahan in ay soo afjaraan 33 kulan oo guuldaro la’aan ah oo xulka Italy ah hadii ay doonayaan in ay ku guulaystaan kulanka.

Xulka England ayaa yimid London kahor finalka, iyagoo lahadlay saxaafada sabtidii Southgate ayaana qirtay in uu shaki ku jiro ciyaarista xiddiga ee kulanka Final-ka.

“Waxaan saarneyn baska labadii saac ee ugu dambeysay sidaa darteed kooxda caafimaadka ayaa na siineysa warbixintii ugu dambeysay” outhgate ayaa ka yiri xaalada Foden.

“Dabcan shaki ayaa ku jira taam ahaanshihiisa inkasta oo uuna dhaawacu ahayn mid culus”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*