Gareth Bale Oo Real Madrid Ka Hor Istaagi kara Saxiixa Cristiano Ronaldo, Qaab Noocee Ah.

Koxda Real Madrid ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga Cristiano Ronaldo todobaadyadii ugu dambeeyay xilli uu tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane diiday in uu meesha ka saaro suurtagalnimada uu xiddigu ugu soo laaban karo Kooxda.

Ronaldo ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Juventus kadib markii ay kooxdu xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah tartanka champions league kaga hadhay wareega 16-ka.

Shakiga soo wajahay mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Juventus ayaa keentay in lala xidhiidhiyo ku laabashada Real Madrid oo uu wakhti fiican ku soo qaatay intii uu joogay kooxda.

Kooxda Juventus ayaa xitaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay aqbasho dalab lacageed oo dhan 25 milyan oo euro si ay isaga fasaxdo xiddiga 34 jirka ah suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin ku soo laabashada Cristiano Ronaldo ee Real Madrid waxa hor istaagi kara xiddiga Gareth Bale kaas oo haatan amaah uga maqan kooxda Real Madrid una ciyaara kooxda Tottenham.

Xiddiga reer Wales ee Gareth Bale ayaa dhawaan xaqiijiyay in uu qorshaynayo ku laabashada Real Madrid marka uu dhamaysto heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo kooxdiisii hore ee Tottenham.

Wargayska Darias Gol ayaa sheegaya in ku laabashada Bale ee Real Madrid ay dilayso fursad walba oo uu Cristiano Ronaldo ugu laaban karo kooxda Real Madrid suuqa xagaaga.

Gareth Bale ayaa kooxda Real Madrid kula jira heshiis dhici doona xagaaga 2022 sidaas darteed waxa uu kooxda ka qaadan doonaa mushahar aad u sareeya taas oo keenaysa in ayna Real Madrid awood u lahayn in ay bixiso mushaharka Ronaldo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*