Ganaaxa Sugaya Lionel Messi Kadib Casaankii Kulankii Spanish Super Cup-ka Oo La Ogaaday.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa kashifay ganaaxa xugaya kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi kadib kaadhkii casaa ee tooska ah ee loo taagay kulankii Spanish Super Cup-ka ee ay kooxdiisu la ciyaaraysay kooxda Athletic Bilbao.

Kooxda Athletic Bilbao ayaa 3/2 ugu guulaystay koobka Spanish Super Cup-ka kuna guulaystay markii 3-aad ee taariikhdeeda iyada oo uu garsoorihii dhex-dhexaadinayay ciyaartu kaadhka cas ee tooska ah u taagay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi daqiiqadii 121-aad kadib markii uu dhirbaaxay xiddig Athletic Bilbao ah.

Wargayska reer Spain ee Gol ayaa shaaca ka qaaday ganaaxa sugaya Lionel Messi kadib kaadhkii casaa ee loo taagay kulankii Athletic Bilbao.

Wargayska ayaa sheegay in xidhiidhka La Liga Lionel Messi dusha ka saari doonaan ugu yaraan 4 kulan oo uu ku seegi doono tartamada La Liga iyo Copa Del Rey-ga.

Hadii ay dhacdo in dusha laga saaro Messi ganaax 4 kulan ah waxa uu seegi doonaa laba kulan oo horyaalka La Liga ah iyo laba kulan oo Copa Del Rey-ga ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Mar Walba Samee 5-tan Arin Hadii Aad Doonayso In Uu Gacaliyahaagu Indhihiisa Kaa Jeclaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*