Gabriel Oo Balan Qaad U Sameeyay Taageerayaasha Arsenal Kadib Ceebtii Aston Villa.

Daafaca kooxda Arsenal ee Gabriel ayaa sheegay in isaga iyo Xiddigah kale ee Arsenal ay ‘aad uga xun yihiin’ guuldaradii ka soo gaadhay Aston Villa isla markaana ‘ay si adag u shaqeyn doonaan’ si ay u saxaan dhibaatooyinka ka dhex muuqday Kulankii Aston Villa.

Gunners ayaa guuldaro weyn kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ay qaab ciyaareed xun soo bandhigeen.

Gabriel ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican tan ilaa markii uu ku soo biiray Arsenal isaga oo ku guulaystay xiddigii ugu fiicnaa bishii September laakiin kulan adag soo qaatay kulankii Aston Villa.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer Brazil ayaa sheegay in ay xiddigaha Arsenal dib u eegi doonaan qaab ciyaareedkoodii kulankii Aston Villa inta lagu jiro fasaxa xulalka.

“Waan ka xumahay natiijadii kulankii Axadii”ayuu Gabriel soo dhigay bogiisa Instagram-ka.

“Laakiin nama saamayn doonto waxa aan u shaqayn doonaa si adag si aan uga hor marno meel walba”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*