Gabriel Martinelli Oo Magacaabay Xiddig Arsenal Ah Oo Ka Goolal Badan Doona Bukayo Saka Xilli Ciyaareedkan.

Gabriel Martinelli ayaa xiddiga ay isku dalka yihiin ee Gabriel Jesus uu ka goolal badan doono xiddiga ugu fiican Arsenal ee Bukayo Saka xilli ciyaareedkan.

Saka ayaa ahaa xiddiga ugu muhiimsan kooxda Arsenal sanadihii ugu dambeeyay isaga oo kooxda u dhaliyay goolal badan.

Gabriel Jesus ayaa dhinaciisa ku dhibaatooday in uu dhaliyo goolal badan sabab la xidhiidha dhaawacyo soo gaadhay.

Laakiin Martinelli ayaa aaminsan in uu Jesus noqon doono xiddiga ugu goolasha badan Arsenal xilli ciyaareedkan.

“Gabriel Jesus ayaa noqon doona xiddiga ugu goolasha badan Arsenal”ayuu yidhi.

“Gabi waa ciyaartay cajiib ah, mar walba waxa uu dhalayaa goolal fiican”.

Jesus ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay waxana uu la kulmay dhaleecayn xoogan intii uu joogay kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga