Gabriel Martinelli Oo Kashifay Qaabkii Ay Man United Uga Caawisay In Uu Ku Biiro Arsenal.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Gabriel Martinelli ayaa shegay in ay Man United door weyn ka qaadatay horumarkiisa iyo waliba la qabsigiisa horyaalka premier League.

Xiddiga Gabriel Martinelli ayaa 6 milyan ugu biiray Arsenal xagaagii 2019 waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda tan ilaa markii uu kooxda yimid.

Laakiin ka hor intii uuna ku biirin Arsenal Gabriel Martinelli ayaa wakhti tababare kula qaatay koxoda Man United ka hor intii uuna ku biirin Arsenal.

Inkasta oo ay Man United tijaabisay xiddiga Gabriel Martinelli hadana waxa ay go’aansatay in ayna u dhaqaaqin saxiixiisa taas oo keentay in ay dib ugu celiso Brazil ka hor inta uuna ku soo biirin Arsenal.

Gabriel Martinelli  ayaa sheegay in khibradii Man United ay ka caawisay in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo kooxda Arsenal.

“Saddex ilaa 4 sano waxa aan tababar la qaadanayay Man United”ayuu Gabriel Martinelli u sheegay Daily Mail.

“Waxa ay ahayd khibrad fiican sababta oo ah waxa aan arkay sida ay xiddigaha reer yurub u dhaqmaan, u difaacdaan sidoo kale u weeraraan iyo qaab ciyaareedkooda orodka ah”.

“Waxa aan sameeyay horumar markii aan ku laabtay Brazil waxana aan mar kale ku soo laabtay England si aan ugu ciyaaro Arsenal”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Si Waali Ah U Ixtiraamaan, Miyaad Ka Mid Tahay?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*