Gabriel Magalhaes Oo Ka Hadlay Viktor Gyokeres

Gabriel Magalhaes ayaa qirtay in Viktor Gyokeres uu yahay ‘ciyaaryahan weyn’ xilli weeraryahanka Sporting Lisbon uu aad ugu dhawaaday u dhaqaaqidiisa Arsenal.

Gunners ayaa u aqoonsatay xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden inuu yahay bartilmaameedkooda ugu horreeya ee suuqa kala iibsiga, waxaana ay horumar weyn ka sameeyeen baacsigiisa todobaadyadii ugu dambeeyay.

Heshiiska shaqsiga ayaan dhibaato ahayn iyada oo xiddigu diyaar u yahay in uu ku biro kooxda Arsenal.

Laakiin Sporting ayaa diidan in ay hoos u dhigto qiimaha ay ku doonayso xiddiga taas oo dib u dhigaysa heshiiska.

Gabriel Magalhaes Ayaa sheegay in uu xiddiga Gyokeres Yahay ciyaartoy fiican laakiin uuna wali ahayn ciyaartoy Arsenal ah.

“Waan ognahay dhamaanteen in uu yahay ciyaartoy fiican laakiin waa ciyaartoy Sporting ah walina ma noqon ciyaartoy Arsenal ah”.

“In aan ka hor tago isaga xilli ciyaareedkii hore waxa ay ahayd arin adag waxana uu soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga