Gabriel Jesus Oo Sharaxay Sababta Uu Arsenal Uga Jecelyahay Man City.

Gabriel Jesus ayaa Ka hadlay Noloshiisa Arsenal ka dib markii uu 45 milyan kaga soo dhaqaaqay Manchester City xagaagan.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka baxay qorshaha Joogtada ah ee Man City iyada oo uu Erling Haaland yimid kooxda waxana uu sidoo kale ka ciyaari jiray boos aan ahayn booskiisa markii uu joogay City.

Jesus ayaa go’aansaday in uu isaga tago kooxda Man City waxana uu ku biiray kooxda Arsenal halkaas oo uu haatan ka yahay xiddiga 1-aad ee Kooxda.

Wareysi uu dhawaan siiyay ESPN Brasil weeraryahanka Brazil ayaa ka hadlay sida uu ugu dambeyntii go’aansaday inuu uga tago Manchester City.

“Arintu waxa ay ahayd sida uu Pep Guardiola u fahmayo kubada iyo waxa uu doonayo  kadib adiga ayay kugu xidhnayd in aad aqbashid ama aad aqbali waydid, hadii aad aqbali waydid, waa in aad koox kale raadsatid”.

“Muddo ayaan aqbalay laakiin waxa jirtay wakhti aan naftayda u sheegay in aan wax kale donayo, waan u mahad celiyay isaguna wuu i fahmay in aan u baahanahay in aan boxo”.

Isaga oo sharaxaya farqiga u dhexeeya nolosha Arsenal iyo City, Jesus ayaa sii raaciyay hadalkiisa.

“Halkan Arin, kubadu way ka duwantahay sida Man City, xiddigaha way ka duwan yihiin iyo qaabka loo ciyaaro, Man City weeraryahanku in badan ma taabto kubada waanad aragtaamarka aad ciyaartooda daawanayso”.

“In badan ayaan Arteta kala hadlay qaabka Arsenal, wuu i garanayaa, waan garanayaa isaga, waan fahmay waxa uu iga rabo”.

“Hadda, waxaan xor ku ahay garoonka dhexdiisa, si farxad leh ayaan u ciyaarayaa kubada waxana aan mar walba isku dayayaa in aan qabto shaqadayda ugu fiican”.