Fursadaha Uu Lionel Messi Ugu Biiri Karo PSG Oo La Qiimeeyay

Xiddiga kooxda PSG ee Angel Di Maria ayaa ka hadlay fursadaha uu xiddiga ay isku dalka yihiin ee Lionel Messi ugu biiri karo kooxda PSG marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga Angel Di Maria ayaa ku rajo weyn in uu Lionel Messi kaga garab ciyaaro kooxda PSG marka la gaadho xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga Angel Di Maria ayaa rumaysan in uu Lionel Messi ku wajahan yahay kooxda ku ciyaarta Parc des Princes walib ay jirto fursad aad u fiican oo uu ugu biiri karo kooxda reer France.

“Waan rajaynayaa”ayuu Di Maria u sheegay Canal+ Markii wax laga waydiiyay in uu Lionel Messi ku biiri doono PSG.

“Waxa jirta fursad weyn, waa in aan daganaan muujino si ay arimuhu horumar u sameeyaan.

“Haatan waxa aan u hadlaynaa si dagan haatan’ayuu Di Maria sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*