Fursadaha Uu Cristiano Ronaldo Kaga Hor Iman Doono Barcelona Oo La Ogaaday.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegtay in uu xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo wakhtiga tartan kula jira si uu uga qayb qaato kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Barcelona champions League.

Juventus ayaa todobaadka dambe la ciyaari doonta Barcelona kulan ka tirsan kulankii 2-aad ee wareega Group-yada champions League.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in uu Ronaldo sugayo jawaabta baadhitaankii laga qaaday ee ku saabsanaa xanuunka Korona si uu u ogaado fursadihiisa ka qayb galka kulanka champions League si uu uga hor tago xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Ronaldo ayaa todobaadkii hore laga helay xanuunka Korona xilli uu ku sugnaa waajibaadka xulka qarankiisa Portugal waxana uu haatan karantiil ku jiray 10 maalin.

Ka qayb qaadashada Ronaldo ee kulanka Barcelona ayaa noqon karta mid aan suurtagal ahayn hadii uuna xiddigu wali ka soo kabsan xanuunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*