Fursadaha Man United Ee Saxiixa Cristiano Ronaldo Oo La Ogaaday.

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuusan dib ugu soo biiri doonin Manchester United marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga sabab la xidhiidha in ayna Red Devils awood u lahayn in ay la soo saxiixato xiddiga reer Portugal.

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Juventus ayuu shaki weyn ku jiraa bilihii ugu dambeeyay iyada oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda suuqa kala iibsiga xagaaga.

Ku soo laabashadiisa Man United ayaa la soo hadal qaaday iyaga oo xitaa jiraan warar sheegaya in ay Red Devils u firantahay in ay dib ula soo saxiixato xiddiga 36 jirka ah.

Si kasta ha ahaatee wargayska Sport Mediaset ayaa sheegaya in ayna Kooxda Man United u dhaqaaqi doonin saxiixa Cristaino Ronaldo sabab la xidhiidha in ayna awood u lahayn in ay bixiso mushaharkiisa.

Cristaino Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu todobaadkii mushahar ahaan u qaato lacag dhan 400 kun oo Gini waana lacag ayna Man United diyaar u ahayn i ay bixiso lacagtaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*