Fursadaha Lionel Messi Ee Ku Bilaabashada Kulanka Athletic Bilbao Oo La Ogaaday.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda Barcelona saacado ka hor kulanka Final-ka Spanish Super Cup-ka ay la ciyaari doonaan kooxda Athletic Bilbao.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhaawac ku seegay kulankii Semi-finalka ay kooxda Barcelona la ciyaartay kooxda Real Sociedad.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Lionel Messi ku soo laabtay tababarka waliba ku soo laaban doono shaxda kooxdiisa kulanka Athletic Bilbao.

Lionel Messi ayaa si buuxda uga soo kabsaday dhaawaca sidaas darteed uu ku bilaaban doono shaxda kooxda Barcelona ee Final-ka tartanka.

Warkan ayaa farxad u ah kooxda Barcelona marka loo eego in uu Lionel Messi qaab ciyaareed cajiib ah ku jiro waliba kooxda ka caawin karo guusha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*