Frenkie de Jong Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Man United.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay Niyad jab kala kulantay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong.

Bilowgii todobaadkan waxaa la sheegay in tababaraha cusub ee Man United ee Erik Ten Hag uu De Jong Ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad ee suuqa xagaaga.

Iyada oo xiddiga De Jong iyo Ten Hag ay ka soo wada shaqeeyeen Ajax waxa jiray warar sheegaya in ay Barcelona u furantahay in ay iska iibiso xiddiga xagaaga.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay, Daily Star, De Jong ayaan doonayn in uu ka tago kooxda Barcelona gaar ahaan koox aan ka qayb ahayn champions league xilli ciyaareedka dambe.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga 25 jirka ah doonayo in uu sii joogo kooxda Barcelona kana sii ahaan doono qorshaha Xavi ee xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*