Frenkie De Jong Oo Diyaar U Ah In Uu Isaga Tago Barcelona, Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie De Jong ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaaru yahay in uu isaga tago kooxda Barcelona suuqa xagaagan.

Laakiin xiddiga hal shardi u xidhay ka tagistiisa kooxda Barcelona kaas oo ah in uuna doonayn in uu ku biiro kooxda Man United.

Xiddiga reer Netherland ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Bayern Munich hadii uu isaga tagayo kooxda Barcelona suuqa xagaagan.

Warkan ayaa soo baxaya xilli ay Man United Dhigeeda Barcelona kala heshiisay saxiixa xiddiga isla markaas ogolaatay in ay xiddiga ka bixiso lacag dhan 75 milyan oo euro.

Man United ayaa aad u doonaysa saxiixa xiddiga laakiin Frenkie De Jong ayaa ilaa haatan diidan in uu ku biiro kooxda Man United.