Frenkie de Jong Oo Badalay Go’aankiisii Ku Aadanaa Man United, Maxaa Cusub?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa lagu soo waramayaa in uu badalay go’aankii uu ku diiday ku biirista Man United isla markaas diyaar u yahay in uu Erik Ten Hag kula midoobo Old Trafford xaagaagan.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Man United suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo doonay in ay xiddiga ku xoojiyaan xiddiga khadka dhexe.

Barcelona ayaa xitaa diyaar u ah in ay Frenkie de Jong ka iibiso Man United iyaga oo xitaa United kala heshiiyay saxiixa xiddiga laakiin xiddiga ayaa diidan in uu ka tago kooxda Barcelona.

De Jong ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda Barcelona suuqa xagaagan maadama uuna doonayn in uu ku biiro kooxda Red Devils.

Laakiin sida laga soo xigtay Mirror, De Jong ayaa u muuqda mid badalay go’aankii uu ku diidanaa kooxda Man United isla markaas diyaar u yahay in uu ku biiro United xagaagan.

Xiddiga ayaa haatan kooxda Barcelona u raacay Safarkooda USA ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.