Franka Lampard Oo Ka Niyad Jabsan Shaqo Ka Caydhinta Chelsea & Hal Arin Oo Sabab U Ah.

Frank Lampard ayaa ka hadlay shaqo ka caydhinta lagu sameeyay isaga oo sheegay in uu ka niyad jabsanyahay in aan la siin wakhti uu isku muujiyo kadib markii ay kooxdu shaqada ka caydhisay tababaraha Isniintii.

Milkiilaha kooxda chelsea ee Roman Abramovic ayaa sheegay in ay kooxda ku adkayd in ay shaqada ka caydhiso tabbare Lampard laakiin ay ahayd mid lagama maarmaan ah in shaqada laga caydhiyo.

Kadib markii shaqada laga caydhiyay Lampard ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlay dareenkiisa waxana uu yidhi”Sharaf ayay ii ahayd in aan tababare u noqdo kooxda chelsea, waxa aan u mahad celinyaa yaageerayaasha kuwaas oo taageere ila garab taagnaa”.

“Markii aan noqday tababaraha kooxda waxa aan ogaa tartanka i hor yaal in uu yahay mid adag”

“Waan ku faraxsanahay guulaha aan la gaadhay kooxda, waxana aan ku faraxsanaay in aan fursad siiyay xiddigo da’yar ah oo kooxda ah”.

“Laakiin waxa aan ka niyad jabsanahay in aan la i siin wakhti aan kooxda horay ugu wado”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*