Frank Lampard: Rajadeena Champions League Gacmeheena Ayay Ku Jirtaa.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa ku kalsoon in ay xiddigaha kooxdiisu kooxda ka caawin doonaan in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kadib guuldaradii 5/3 ahayd ee Chelsea ka soo gaadhay Kooxda liverpool waxa ay la macno tahay in ay kooxda Lampard seegtay fursad ay ku xaqiiqsan lahayd u soo bixista booskeeda.

Chelsea ayaa haatan ku qasban in ay hal dhibic ka hesho kulanka ugu dambeeya ee ay Axada la ciyaari doonaan Wolves Lampard ayaana sheegay in ay kooxdiisu dhamaystiri doonto shaqada u soo bixista champions League Axada.

“Waxa aan arkay waxyaabo badan kulamadii ugu dambeeyay gaar ahana kulamadii Man United ee FA Cup-ka iyo kulankii Liverpool ee horyaalka”.

“Waxa jirta ruux iyo ka go’naansho labadii kulan ee ugu dambeeyay waana in aan arintaas la tagno kulanka ugu dambeeya ee horyaalka”.

“Waxa aan kulanka Wolves ku ciyaari doonaa garoonkeena rajadeena champions League-na gacmeheena ayay ku jirtaa waxana aan ku kalsoonahay in ay xiddigu dhamaystiri doonaan shaqadaas”.

Sii Akhriso: Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo kuwa Gobollada Soomaaliya Oo Ku Heshiiyay In Ay Doorashadu Dhacdo Wakhtigeedii

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*