Frank Lampard Oo Xaqiijiyay In Uu N’Golo Kante Dhaawac Ku Seegi Doono Kulanka Crystal Palace, Sidee Wax U Jiraan?

Tababaraha kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante seegi doono kulanka Crystal Palace ee Maalinta Salaasad Bari ah kana tirsan premier League.

Chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan todobaadkii 34-aad ee horyaalka Premier Legaue.

Xiddiga N’Golo Kante ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Chelsea guusha ka gaadhay Watford ee horyaalka premier League taas oo keentay in uu dhaawac uga baxo ciyaarta.

“Kante ma ciyaari doono kulanka Crystal Palace, waxa aan rajaynaynaynaa in uu dhaawac ka soo kabsado muddo todobaad ah”.

“Waxa aan rajayanayaa in uu diyaar u noqdo kulanka Shefield United ee todobaadka dambe”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*