Frank Lampard Oo Sharaxay Sababtii Uu Thiago Silva Uga Reebay Kulankii Newcastle.

Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay in uu ahaa mid fiican go’aankii uu xiddiga Thiago Silva kaga reebay kulankii Newcastle ee premier League.

Kooxda Chelsea ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Newcastle Kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Silva oo 36 jir ah ayaa laba jeer u ciyaaray xulka qarankiisa fasaxii xulalka waxana uu Lampard doortay in uu nasiyo kulankii Newcastle.

“Waxa uu ka yimid Koonfurta America, waxa uu soo maray safar dheer waxana uu yimid fiidnimadii khamiistii”ayuu Lampard ku sharaxay go’aankiisa

“Waxan u malaynayaa in uu ahaa go’aan sax ah, waxa aan haysanaa xiddigo badan, waxa aan haysanaa daafacyo waxana aan doonaynaa in aan sii wadno heerka ugu sareeya”.

“Thiago waa daafac fiican waana xiddig da’ ah sidaas darteed waxa aan doortay in aan ka saaro kulanka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*