Frank Lampard Oo Shaaca Ka Qaaday Farqiga U Dhexeeya Eden Hazard iyo Christian Pulisic

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Franka Lampard ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqa Christian Pulisic marka uuna haysan kubada ay tahay waxa uu kaga duwan yahay xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Eden Hazard.

Pulisic, oo Chelsea ugu soo biiray heshiis 58 milyan uga soo biiray kooxda Borussia Dortmund sanadkii hore, ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku jira xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay sideed gool iyo lix caawin xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Eden Hazard ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda chelsea taariikhdeeda isaga oo ka caawiyay kooxda in ay ku guulaysto labo horyaal Premier League intii lagu jiray toddobadii sano ee uu joogay Stamford Bridge.

Qaab ciyaareedkii ugu dambeeyay ee Pulisic ayaa keentay in la bar-bar dhigo Eden Hazard iyada oo uu xiddiga reer America Blues ku leeyahay saamayn xilli ay u tartamayaan u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Lampard ayaana aaminsan in uu Pulisic awood u leeyahay in uu saamayn ku yeesho chelsea sidii Eden Hazard.

Markii wax laga weydiiyay kala duwanaanshaha Hazard iyo Pulisic, Lampard wuxuu ku jawaabay”marka loo eego in aan Eden ka soo garab ciyaaray waliba arkay markii uu yimid kooxda isaga oo da’yar ah si la mid ah Christian, waxa uu lahaa tayo la mid ah oo ahayd in uu helo kubada, in uu lahaado isku dheelitirnaan in uu xiddigaha kale kubada si dhib yar ugu dhiibo iyo waliba in uu xiddigo badan kaxaysan jiray, waa xiddig aan bakhayl ahayn oo caawinta samayn kara”.

“Eden waxa uu u iman jiray kubada kadib waxa uu si toos ah ula dhaafi jiray xiddigaha kale waxan u malaynayaa in uu Christian leeyahayawood dhab ah oo uu ku noqon karo mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubada cagta casrigan”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*