Frank Lampard Oo Magacaabay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo La Heer Ah Virgil Van Dijk.

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay in uu daafaca kooxdiisa ee Thiago Silva La Heer Yahay xiddigaha daafaca ugu fiican premier League ee Virgil Van Dijk iyo Vincent Kompany.

Tababaraha Chelsea ayaa qirtay in uu daafaca reer Brazil uu haatanba kooxda chelsea ka caawinayo in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga 37 jirka ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay shabaqa ilaashadaan 5 kulan markii ugu horaysay tan ilaa bisha October 2010.

Silva ayaa haatanba tayadiisa ka muujiyay chelsea waxana uu Kooxda Lampard ku hogaamiyay daafac bir ah oo aan si dhib yar lagu dhaafi karin taas oo keentay in uu Lampard xiddiga bar-bar dhigo xiddigaha Van Dijk iyo Kompany.

“Marka loo eego xirfada ciyaareed ee uu soo qaatay, dabcan waxa uu la heer yahay daafacyada Van Dijk iyo Kompany”ayuu lampard yidhi.

“Xiddigaha wakhtigii ugu dambeeyay gaadhay guulaha waxa ay haysteen xiddigo sidan oo kale ah, waa xiddig cajiib ah waxana aan ognahay muhiimada difaaca hadii aad ku guulaysanayso koobab gaar ahaan premier League”.

“Marka aad eegto qaab ciyaareedka Thiago kulamadiisii ugu horeeyay waxa uu noqon karaa xiddig muhiim noo ah”.

Sii Akhriso: Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble Oo Magacaabay Guddida Doorashooyinka Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*